April 20, 2019 21:51:27

Muqdisho-Malinle=Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay u yeertay Madaxweynayaasha Soomaaliland iyo Puntland, Muuse Biixi Cabdi iyo C-wali Maxamed Cali Gaas si xal loogu helo xiisadda ka taagan gobalka Sool.

Warar ay heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Itoobiya labada madaxweyne ay ka dalbatay in ay soo gaaraan magaalada Adis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, waxaana gaaray madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Soomaaliland iyo Wafdigiisa ayaa ka degay Adis-ababa waxaana la sheegayaa in ay socdaalka ku wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano, iyo Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliland waxaana la sugayaa dhinaca Puntland.

Magaalada Garowe ayaa la sheegayaa in ay maalinta biri ah ay ka bixi doonaan wafdi ka socda Puntland kuwaas oo gaari doona Dalka Itoobiya, waxaana hogaamin doona madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa maanta ka qayb galaya Shirka dhameestirka heshiiska Ahlusunna iyo Galmudug oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana sidoo kale ka qayb galaya Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Xigasho-Radio Kulmiye

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *