April 20, 2019 21:36:33

Muqdisho-Malinle=Saraakiisha Amaanka Dalka Kenya ayaa magacaabay Saddex Qof oo la xaqiijiyay in ay ka dambeeyeen weerar jimcihii lagu qaaday Iskuul ku yaalla Magaalada Gaarisa halkaas oo lagu dilay saddex Qof oo aan dadka degaanka ahayn.

Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha amniga Gobolka waqooyi Bari ayaa sheegay in Ragga weerarkaas fuliyay ay kalayihiin Maalim Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman.

Maxamuud Saalax,waxaa uu sheegay Macallin Cabdullahi uu yahay Ninka hoggaaminayay weerarkaas,kaas oo uu sheegay in uu ka soo jeedo degaanka  Bojigaras,isaga oo xusay in uu yahay Xaasle saddex carruur ah leh.

Maxamuud ayaa laamaha amaanka ee gobolka faray in la soo qabto Bare Cabdullahi iyo Ragga la shaqeynayay ee weerarkii lagu qaaday Dugsiga Qarsaa ka dambeeyay.

Dadka weerarkaas lagu dilay ayaa kala ahaa labo macallin iyo xaaska mid ka mid ah Macallimiintaas,kuwaas oo aan u dhalay Gobolka waqooyi Bari,waxaana Meydkooda loo qaaday Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Maxamuud Saalax ayaa dhawaan soo bandhigay Magacyada 35 Qof oo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin AL-shabaab,kuwaas oo u dhashay Waqooyi Bari,kuna biiray Al-shabaab.

Magacyada Dadkaas,Carruurtooda,Xaasaskooda iyo meelaha ay degganyihiin ayuu sheegay isaga oo ehelka 35 qofna ku amray in Ciidamada amaanka ay kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa.

Waxaa uu baaq u diray xubnaha u dhashay degaanka ee ku biiray Al-shabaab isaga oo sheegay in haddii ay isu dhiibaan dowladd ay nabad gelyo heli doonaan.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *