April 20, 2019 21:20:42

Muqdisho-Malinle=Wararka laga helayo Degaanka goofgaduud Buurey iyo deynuunay ee gobalka bay ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen degankaasi,islamarkaana waxaa la sheegay in Shabaab ay u suura gashaty inay halkaasi la wareegaan.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo.

Shabaab ayaa weerarka soo qaaday markii Salaadii Subax ee saaka, iyadoo dagaal la isku adeegsaday hub kala duwan uu ka dhacay deganada Daynuunay iyo Goof-gaduud Buurey.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase ahaatee dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada dhaca duleedka Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen hubka culus ee la isu adeegsanayay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay si buuxda ula wareegeen Degaanada guufgaduud Buurey iyo Daynuunay ee gobalka bay.

Saraakiil ka tirsan Maamulka koofru galbeed oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degaanada Goofgaduud iyo Daynuunay ee Gobalka bay,islamarkaana ay iska caabiyeen ciidamada Xoogga iyo kuwa Koofur galbeed Soomaaliya.

Warar Madax banaan oo ay helayso Idaacada kulmiye ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Koofur galbeed iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay isku Hor fadhiyaan Degaanada goofgaduud iyo Daynuunay ee gobalka bay,islamarkaana laga cabsi qabo in dagaal culus uu mar kale dhex maro Dhinacyadii dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay kordhiyeen Weerarada Tooska ah ay ku qaadayaan saldhigyada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga iyo kuwa Koofur galbeed Soomaaliya oo ka tirsan gobalada Bay iyo Bakool.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *